Qarax Xoogan oo ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goor dhowayd ka dhacay Isgoyska Lambar 4 gaar ahaanna iridda hore ee Hoteel AFRIKA.

Jugta Qaraxa oo culus iyo uuro cirka isku shareertay ayaa laga soo weriyay nawaaxiga Qaraxaas ka dhacay welina Khasaareaha ka dhashay faahfaahin lagama helin.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan ay Qaraxa kadib gudaha u galeen Hoteel AFRIKA halkaas oo uu ka bilowday dagaal toos ah inkastoo aan faahfaahin kale laga heli.