Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland oo Laga Magacaabay Guddi Ka Soo Talo Bixiya Sicir Bararka Dalka Jira

Hargeysa – (warsoor) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta oo khamiis ah waxaa uu kalfadhigii 2-aad la yeeshay golihiisa Wasiiradda. Kal-fadhigii labaad  ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka iyo shacbiga Somaliland.

Waxaanay u dhignaayeen Qodobada ka soo baxay shirku:-

1.      In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.

2.      In la xoojiyo go’aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay joojinta dhulka danta guud ee qaranka.

3.      In la joojiyo qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.

4.      In  xubnahan hoos ku xusan loo saaro inay ka shaqeeyaan xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland, xubnahaas oo kala ah:-

Ø  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,

Ø  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad

Ø  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad

Ø  Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi

Ø  Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo

Ø  Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale)

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.