Shabakadda Ololaha ee Donald Trump Oo Laga Tirtiray Qodobadii Muslimka Laga Mamnuucayey inay Soo Galaan Maraykanka

Maraykanka – (warsoor) – Qaar ka mid ah hindisayaashii ugu muranka badnaa ee Donald Trump oo soo jeediyey xilii uu u tartamaayey kursiga madaxweynaha ee dalka Maraykanka eek u jiray shabakadiisii ololaha ee ay ka mid ahaayeeen in Muslimka ka mamnuuci doono inay dalka Soo galaan iyo sidoo kale inuu joojin doono heshiiskii Paris lagu galay ee cimiladda.

Waxaa gabi ahaanba shabakaddii ololaha ee Donald Trump si dhakhso ah looga waaeyey ciwaano dhawr ah oo uu Muslimka gabi ahaanba kaga mamnuucaayey inay soo galaan Maraykanka.

Waxaa sidoo kale shabakadiisii ololaha laga waayey waxyaale kale oo laga yaabo inay maxkamadda sare uga baahnayd inay ka qaado, sida macluumaadka la xidhiidha, dhaqaalihiisa iyo sida uu u difaacaayo isbadalna loogu samaynaayo qorshayaal.

161110-trump-muslim-ban-feature

Dadweyne badan ayaa fariino email ah u soo diray kooxda maamulaysay ololaha Trump balse kamay jawaabin emailladi loo soo diray.

Amiir ka mid ah amiiradda Sucuudiga ayaa Donald Trump ku amaanay inuu shabakadiisa iyo barta uu ku leeyahay Twitter uu ka tirtiray qorshihii uu Muslimka kaga mamnuucaayey inay galaan dalka Maraykanka.

Sidoo kale waxaa barta uu ku leeyahay Donald Twitter laga saaray qoraalo uu galiyey oo uu ku duraayey Islaamka iyo qaar uu ku sheegay in Muslimiintu ay u dabaal-dageen markii 11 September, 20111 la qarxiyey daarihii mataanaha ahaa.

Si kastaba ha ahaateen waxaa wali walwal laga qabaan in Donald Trump kaga dhabeeeyo hadaladii uu sheegaayey ee ku saabsanaa Muslimka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.