Saldhiga Ciidamada Booliska Turkiga oo Qarax Weyn Lala Beegsaday

Turkiga – (warsoor) – Sida ay sheegayaan saraakiisha dawladda Turkigu waxaa qarax ismiidaamin ah lagu qaaday Taliska Ciidamada Booliska Turkiga ee magaaladda Gaziantep ee dhacda koonfur-bariga Turkiga. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxan.

Dhankale waxaa qaraxan waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 19 askari oo boolis ah iyo 4 qof oo shicib ah. Qaraxa oo ahaa mid weyn waxaa laga maqay meelo fogfog.

Turkey_Car_Explosion

Qaraxyo xidhiidh ah ayaa dalka Turkiga ku soo noqnoqday sanadkii la soo dhaafay waxaanay keeneen dhimasho iyo dhaawac badan. Qaraxyaddan ayaa lala xidhiidhiyaa inay ka dambeeyaan mucaaridka Kurdiyiinta ee doonaya madax-banaani iyo dagaalyahanadda Daacish ee ka dagaalama waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Qaraxa ka dhacay saldhiga booliska ee magaaladda Gaziantep ayaa markii uu dhacay ka dib waxaa la maqlay rasaas.

Ilaa hadda ma jirto cidd sheegatay masuuliydda weerarkan ka dhacay magaaladda Gaziantep, magaaladdan ayaa u dhow xadka u dhexeeyaa Suuriya iyo Turkiga, halkaasi oo Daacish la sheegay inay ku leedahay dhawr saldhig.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.