Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweynaha

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku dhawaaqay maanta inuu u taagan yahay tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadda soo socota ee Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa noqonaya shaqsiga madaxweynaha Soomaaliya ku labaynayaa masuuliyiinta xilka haya ee u tartamaya doorashadda la filaayo in dhawaan ay ka qabsoonto Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa 2009 ilaa 2012 Ra’iisal wasaare uga Soo noqday Soomaaliya xiligii dawladdii Sheekh Shariif. Waxaa haddan sanadkan 2014 loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, muddo yar ka dibna waxaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu u magacaabay Ra’iisal Wasaare oo uu ilaa hadda yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.