Qaraxa xoogan ayaa Gilgilay magaalada Dubai

DUBIA – (WARSOOR) – Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay, iyadoo soo xiganaysa dad goobjoogayaal ah, in qarax xoog leh laga maqlay magaalada Imaaraatka ee Dubai, iyadoo xustay in sababta aan wali la ogeyn.

Warbaahinta Imaaraatkuna waxay shaacisay in qaraxu ka dhacay dekedda Jebel Cali ee ku taal magaalada Dubai.”

Warbaahinta dalka Imaaraatku Waxay intaas ku dartay in dab ku kacay markab ganacsi oo marayay meel kudhow dekeda Jebel Ali ee Dubai

Qaraxan oo aad uxooganaa wuxuu sababay in guryo badan oo magaalada Dubai ku yaal ay gilgishaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan difaaca madaniga ayaa sheegaysa in kooxaha dab-damiska ay ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dab ka kacay markab saarnaa Dekedda Jebel Ali.

Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen inaanu jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay dabka ka kacay Qaraxa iyo markabka oo dabkii kakacay Ilaa hadda lala tacaalayo.