Bandhiga Daraasadda Tayada Biyaha Hargeysa


HARGEYSA – (WARSOOR) – Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay furtay Sheybaadhka Hubinta Tayada Biyaha ee Hargeysa, kaas oo ujeeddada laga lahaa ay ahayd sidii loo hubin lahaa in magaalada Hargeysa hesho biyo nadiif ah oo ku haboon in dadku ay cabaan .

Daraasadda Tayada Biyaha Hargeysa
20-kii ceel ugu horreeyay mashruucan daraasadda tayada biyaha waxaa iska kaashaday Sheybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa iyo Hay’adda GIZ, waxaana la bilaabay December sannadkii 2020-ka , waxay soo dhamaatay February 2021.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa maalgelisay daraasad lagu sameeyay 20 ceel oo kale, kuwaas oo ay biyuhu uga yimaadaan magaalada Hargeysa. Qeybtan danbe waxay socotay muddadii u dhaxaysay March ilaa April ,2021.
Sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa 40-kan ceel baadhitaan lagu sameeyay dhamaan biyaha caagadaha mooya –sixada kuwa yar iyo ku waaweynba iyo tiro taangiyada guryaha biyaha lagu kaydsado ah.

Goobaha Ceelashu Ku Yaalaan

  1. Awbarkhadle
  2. Arabsiyo
  3. Jaleelo
  4. Darasalaam
  5. Dararweyne
  6. Dabaraqas

Maxaa laga Baadhay Ceelashan:
Dhamaan ceelasha waxaa lagu sameeyay baadhitaano ah:
· Physical Parameters ( sida midabka , urta iyo PH)
· Chemical Parameters (Walxaha kiimikaad sida macdanaha ay ka mid yihiin Calcium , Sulphate )
· Microbiological Parameters (Noolayaasha il ma qabatayga ah sida bakteeriyada)

Maxaa Laga Helay Biyaha Ceelasha
· Intooda badan ceelashii la baadhay macdanaha ku jiray waxay ahaayeen heerkii loo baahnaa , marka laga reebo dhawr ceel oo macdanta Fluoride ay dhaaftay heerkii la rabay
· Dhamaan ceelasha la baadhay waxaa laga helay noolayaasha ilma qabatayga ee Bakteeriyada sida nooca E. Coli iyo Coliform , waxayna u baahanyihiin daaweyn deg deg ah
· Caagadaha biyaha Mooya –sixada qaarkood waxaa laga helay bakteeriya
· Sheybaadhku wuxuu si tijaabo ah ugu guulaystay daaweynta 5 ceel oo leh goobo biyaha lagu keydiyo inta aan booyada lagu dhaamin . Waxaa la adeegsaday maadada Chlorine

Talabooyinka Loo Baahanyahay In La Qaado
· In baadhitaan dhamaystiran lagu sameeyo dhamaan ceelasha biyaha looga keeno magaalada Hargeysa
· In la bilaabo talaabooyin deg deg ah oo la xidhiidha hagaajinta xaaladaha ay ku sugan yihiin ceelasha biyuhu sida in loo dhiso goobo biyaha lagu daaweyn karo , iyo nadiifin iyo daaweyn joogta ah
· In la bilaabo olole balaadhan oo lagu daaweynayo ceelasha biyaha , booyadaha iyo taangiyada guryaha
· In la xoojiyo awoodda Sheybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa , arrintaas oo wax weyn ka tari doonta in la helo biyo nadiif ah oo la cabbi karo, iyo sidoo kale in wacyigalin joogta ah in la sameeyo.

Waxa warbixintan kooban ee ka hadlaysa Daraasadda maanta lasoo bandhigay diyaariyay Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa.