Qarax Khasaare geystay oo Ka dhacay magaaladda Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Qarax khasaare dhimashe iyo dhaawac iskugu jira ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof sidoo kale ay tiro kale oo dad ahi ku dhaawcmeen, sida ay ku warameen saraakiisha Amaanka ee dawladda federaalka Soomaaliya.

qarax_gaadhi

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaadhi walxaha qaraxa laga soo buuxiyey oo la soo agdhigay afaafka hore ee huteel Blue Sky ee magaaladda Muqdisho sida ay sheegeen ciidamada iyo saraakiisha dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Dadka ku dhaawacmay weerarkan oo tiraddooda lagu qiyaasay ilaa lix qof ayaa loola cararay cusbitaaladda magaaladda Muqdisho si gargaar caafimaad loogu fidiyo.

Masuuliyadda weerarkan waxaa sheegatay xarakadda Al-shabaab ee ka dagaalanta magaaladd Muqdisho.

Weerarkan ka dib waxaa hawl-galo kala duwan sameeyey ciidamada Amaanka si ay u sugaan amaanka goobta uu ka dhacay weerarku.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.