Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo Weftigii uu Hoggaaminaayey oo Si Weyn Looggu Soo Dhaweeyey Magaalada Oodweyne iyo Deegaanada Hoos Yimaada

Oodweyne():-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee muddooyinkii dambe ku sugnaa gobalka Togdheer, ayaa socdaal ay maanta ugu baxeen gobalka Daadmadheedh si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne iyo weli ba sida oo kale deegaanada hoos yimaada ee Ceel-same, Cee iyo bicille.

Weftigan, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey xildhibbaan Waabeeye oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland, madaxda heer gobalka ee xisbigaasi, xildhibbaano ka tirsan golaha deegaanka Oodweyne, odey dhaqameedyo ka soo jeeda gobalkaasi iyo weli ba sida oo kale saraakiil ka tirsan Xisbiga oo iskugu jira xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta iyo weli ba sida oo kale haweeneyda caanka ah ee ganacsatada ah Marwo Qadan Hoodo.

Qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga WADDANI oo ka hadlay magaalooyinkaasi, ayaa si weyn u muujiyey taageerada ay u hayaan xisbiga WADDANI iyaga oo cod dheer ku sheegay in codkood ay siinayaan Xisbiga WADDANI, iyaga oo sida oo kale na tilmaamay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi hagraday deegaanada gobalka Daadmadheedh oo aanu soo gaadhsiinin wax wax-qabad ah.

Jiif Caaqil Mataan oo ka mid ah cuqaasha gobalka Daad-madheedh oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay. “.Haddaan anigu ahay Jiif caaqilkii gobalka Daadmadheedh, waxa aan lee yahay xisbiga ni maaha xisbi dhukusa, dad weynaha gobalka Daadmadheedh na waxa aan lee yahay sidaas aad maanta u soo dhaweyseen ee aad cududiina u muujiseen waa in maalinta Doorashada na aad codkiina siisaan. Laakiin marka hore waxa aan idin ku boorinayaa in aad horta Kaadhka diiwaan-gelinta ee codbixinta aad innoo qaadataan.”.

Marwo Qadan Hoodoo oo ka mid ah haweenka xisbiga WADDANI oo halkaas ka hadashay, ayaa dhankeeda Iyana sheegay in ay maanta ku faraxsan tahay in ay soo gaadho magaalada Oodweyne oo ay sheegtay in ay tahay meel ay ka soo baxaan halyeeyada Somaliland iyada oo shacabka deegaankaas na ku boorisay in ay kaadhka qaataan isla jeerkaas na ay codkooda muujiyaan maalinta Doorashada.

“Maanta waan ku faraxsanahay in aan Oodweyne soo gaadho, waxaana aan idiin sheegayaa reer Oodweynoow halkani waa meesha ay caruurteydu ka soo jeedo, waxaan se idin lee yahay geesinimadii iyo libaaxnimadii la idin ku yaqaanay waa in aad muujisaan maalinta Doorashada. Maanta waxa la idiin ka baahan yahay in aad qaadataan kaadhka doorashada.”.

Xildhibbaan Waabeeye oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si weyn ugu mahad-celinaayo weftiga WADDANI ee maanta soo gaadhay magaalada Oodweyne, waxaana uu yidhi:-

“Reer Oodweynoow, waa markii ugu horreysay ee aad igu aragteen, xisbiyadu na waa xisbiyadeenii laakiin wax loo kala ordayaa waa kii ku habboonaa dooristiisii uun, KULMIYE na waxa ka soo baxay Madaxweynahayagii fiicnaa se xaggii dambe ayuu xisbigaasi ka xumaaday, anagu na halkan baanu idiin ku sahan tagnay oo imika nimankaa KULMIYE wax kale ba iskaddaa yoo waxa ay ka xanaaqaan ba Burco wey midowday.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Waabeeye.

Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay ,ayaa waxa uu yidhi:-

“Waan idiin ka mahad-celinayaa sida fiican ee aad maanta noo soo dhaweyseen walow aanan idin ka codsan balse aad idinku is abaabusheen, magaaladan Oodweyne na waa meel nolosheyda oodhan saameysa, halkan baan wakhti badan deganaa, waxbarashadeydiina aan wax badan ku soo qaatay, waxaanan maanta idiin ku imi in aan idin ku wacyi-geliyo qaadashada kaadhka, olole idiin kumaanu iman waxaan se idiin sheegayaa maanta codkiina waxa aad ku badbaadin kartaan Somaliland, halkana baahiyo xoogga ayaa ka jira, baahiyahaas iyo kuwa dalka ka jira oo idil buu xisbigu na u socdaa in uu wax ka qabto.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.