Madaxweyne Farmaajo “Kobaca dhaqaalaha waxa uu ku xiran yahay Argagixisada oo laga adkaado”

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Sharqul Awsad, ee kasoo baxa Magaalada London, waxa uu kaga hadlay Arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid tahay dagaallada ka dhanka Kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in iyada oo laga adkaado Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ay wadada u xaareyso kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in  Dalka lagu soo dabaalo xasilooni.

Mudane Maxamed C/llahi farmaajo ayaa carabka ku dhuftay in uu dhaxlay Dal xaaladiisa, ammni, tan siyaasadeed iyo dhaqaale ay adag tahay. Isaga oo intaasi ku daray in xukuumadiisa ay ka shaqeeneyso sidii Dalka  looga qaadi lahaa cunaqabateynta Hubka.

Waxa uu sheegay in hadda ay Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ay ka siman yihiin awoodda dhinaca Hubka, waxaana uu xusay in cunaqabateynta oo la qaado ay sahleyso dib u dhiska Ciidamada iyo qalabeyntooda.

Madaxweynaha ayaa amaanay doorka Dowladda Sacuudiga ay ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya, isaga sheegay in ay ka wada hadleen ladagaalanka argagixisada, dib u dhiska Ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabida Miisaaniyada Dowladda.

Sidoo kale Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sheegay Wareysiga, in Sacuudiga uu door weyn ka qaatay gurmadka dedeg ah ee Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya

Madaxweyhaha ayaa sheegay in uu u arko, Soomaaliya in ay gaartay biseyl siyaasadeed, isaga oo tusaale usoo qaatay in si nabad ah ay xilka isugu wareejiyeen isaga iyo Madaxdii kaga horeysay xilka.

Wareysigaan uu Mudane Farmaajo siiyay Wargeyska Sharqul-awsad ayaa imaanaya iyada oo Madaxweynaha ay u dhammaatay 100 Maaalin tan iyo markii uu la wareegay xilka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.