Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa goordhow Dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda  federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdigii wasiirrada ahaa ee  uu hor kacayay.

Madaxweynaha ayaa intii uu Dalka ka maqnaa wuxuu booqashooyin kala duwan ku gaalaa bixiyay Waddamada Jabuuti, Sacuudi Carabiya iyo Qatar.

Mudane Farmaajo ayaa Dalka Jabuuti kula kulmay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Gobolka iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha ammaanka iyo la dagaallanka Argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Waddanka Sacuudiga kaga qayb galay shirkii Madaxda Dalalka Islaamka iyo Maraykanka, wuxuuna halkaasi kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump, iyagoo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta hubeysan ee Soomaaliya.

Farmaajo iyo wafdigiisa Wasiirrada ah ayaa Lugtoodii ugu dambaysay kusoo maray Waddanka Qatar, iyagoo kulamo la soo qaatay Amiirka Dalkaasi Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani iyo Wasiirro ka mid ah xukuumadda Doxa.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.