Madaxweynaha Taiwan oo soo Bandhigtay Iskaashiga ka Dhexeeya Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Taiwan Mrs. Tsia Ing-wen, ayaa balan-qaaday inay sii wadayaan wada shaqeynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Taiwan waxay sidaas ku sheegtay dhambaal ay soo gaadhsiisay Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku bogaadisay 30 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.

Dhambaalka Madaxweynaha Taiwan oo Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ay soo turjuntay ayaa u qornaa sidan:

“Anigoo ku hadlaya magaca Dawladda iyo shacbiga Taiwan, farxad weyn ayey ii tahay  inaan idin soo gaadhsiiyo hambalyo diirran oo la xidhiidha soddon sanno guurada ka soo wareegtay  dib ula soo noqoshada Madax-bannaanida Somaliland. Waxaan idinku ammaanayaa inaad qaadeen tallaabo aad dadkiina kaga ilaalinaysaan xannuunka COVID19 muddada lagu gudo jiro xuska.

Waxaan kalsooni ku qabaa madaxweyne hoggaamintaada inay Somaliland barwaaqo ku gaadhi doonto sannadaha soo socda.”

Madaxweynaha Taiwan Mrs. Tsia Ing-wen waxay dhambaalkeeda ku sheegtay in dalkeedu sii wadayo inay kala shaqeeyaan Somaliland sidii loo sii horumarin lahaa Nabadgelyada, Horumarka iyo Xasiloonida Geeska Afrika ee ku sallaysan qiyamka ay labada dal wadaagaan ee ku wajahan Xoriyadda iyo Dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha Taiwan waxay Madaxweynaha Somaliland u rajeysay caafimaad, barwaaqo iyo horusocod ay gaadho Jamhuuriaydda Somaliland.