Xuska Sannad Guurada 30aad Ee 18 May Oo Laga Xusay Magaalada Laascanood Ee Xarunta Gobolka Sool

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Laascaanood Liibaan Qaran munaasibadaas waxa hadal ka jeediyay qaar ka mida odeyaasha, waxgaradka salaadiinta gobolkaas, waxaanay bulshada ku waaniyeen inay ilaashadaan xasiloonida iyo wada jirka, maadaama oo qaranimada Somaliland ay ka soo wareegtay soddon sanno, muddaasna guud ahaan Somaliland uu ka tisqaaday horumar dhinacyo kala duwan, waxaanay bulshada ugu hambalyeeyeen munaasibada 18 May.


Taliyaha aaga bari ee ciidanka qaranka sareeye guuto Cali Bare Xauseen iyo taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed Cabdilaahi Cabdi ayaa inaya waxay bogaadiyeen guud ahaan ciidamada kala duwan ee gobolkaas, waxaanay ku amaaneen sida ay markasta heegan ugu yihiin ilaalinta nabada iyo difaaca qaranka Somaliland.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarawale ayaa bulshada ku nool gobola Sool iyo degmada Laascaanood u soo gudbiyay hambalyo iyo bogaadin munaasibada 18 May, waxaanay u  soo jeediyeen in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan horumarka.