MUQDISHO – (WARSOOR) – Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 34 kiis oo cusub oo ah COVID-19 la diiwaan-geliyey muddadii 24-kii saac ee lasoo dhaafay kadib markii xanuunka laga baaray 123 qof.
Kiisaska ayaa laga kala helay gobollada Banaadir: 14, Somaliland: 18, iyo Hirshabelle oo laba ah. Kiisaska guud ayaa hadda maraya 1,455.
Waxay sidoo kale dawladdu soo tebisay in hal qof oo cudurka u dhintay 24-kii saac ee tegay, taasi oo dhimashada guud la dhigeysa 57 qof.
Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka ka bogsooseen 11 qof, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 163 qof.