Bankiga Adduunka oo $137.5 milyan u ansixiyey Soomaaliya

WASHINGTON — (WARSOOR) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyay lacag gaareysa 137.5 milyan oo dollar oo loogu talagalay in Soomaalia lagu caawiyo si looga jawaabo duruufaha kala duwan ee soo food saaray.

Qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso dhibaatooyin ay ka mid yihiin abaaro iyo fatahaado, oo uu ugu darsamay cudurka COVID-19.