Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo Ka Hadlay Wadda Hadalada Somaliland iyo Soomaaliyo 

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta gurigiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay wadda hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. 

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in waxa kaliyaata ee Somaliland iyo Soomaaliy ay ka wadda hadli karaan ay tahay oo qudha sidii ay u kala gu’i lahaayeen oo qudha. 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in Farmaajo uu muddo 3 sanadood gudaheed ku gaadhay meel aanu gaadhin Siyaad Bare, taasi oo uu ku tilmaamey inuu magaaladda Muqdisho dad rayid ah ku laayey, bandoo ku soo rogey. 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xisbiyadda mucaaridka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay ka hor yimaadana deynta laga dhaafay Soomaaliya iyo lacagta ay IMF sheegtay inay Soomaaliya siinayso, taasi oo uu sheegay inuu Farmaajo u adeegsanaayo sidii uu iyaga ugu baabiin lahaa.