Xaaladda Coronavirus ee Somaliland ee Maanta

Hargeysa – (warsoor) – Warbixinta maalinlaha ee ay soo saarto wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta shaaciyey dad cusub oo laga helay xanuunka covid19.

Tiradda maanta laga helay ayaa dhan 8 qof. Dadkan ayaa kala jooga 5 qof Berbera, 2 qof Burco iyo 1 qof Hargeysa. Dhamaan 8-da qof ayaa ah rag. Waxaa maanta u dhintay xanuunkan 1 qof.

Guud ahaan dadka xanuunka qaba ayaa tiradoodu dhan tahay 129 qof, xanuunka guud ahaan waxaa u dhintay 10 qof. Xanuunkan tan iyo intii baadhitaankiisa la bilaabay waxaa la baadhay 701 qof.