Faysal Cali Waraabe: “Farmaajo Waxaanu Ka Wada Hadalnay, Sidii Deeqaha Loo Qeybsanlaha, Dagaalada Loo Joojin Lahaa..”

Brussels – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa kulan shaqsi ah la yeeshay madaxwyenaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Md. Cabdilaahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan magaalo madaxda Belgium ee Brussels.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dawladda Somaliland aanay shirkan qayb ka ahayn, balse ay loobin u samaynaayeen dawladda Somaliland.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay inuu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya dagaalka Tuka-raq, deeqaha Soomaaliya iyo arimo kale, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Farmaajo waxaanu ka wada hadalnay, sidii deeqaha loo qeybsanlaha, dagaalada loo joojin lahaa, sidii Jawwi-wanaagsan loogu bilaabi laaha wada hadalada, waanu ka dhaartay in uu ku lug lahaa dagaal-Ka Tuko-Raq, annaguna ..,” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Md. Faysal ayaa intaasi ku daray, “Waanu isla soo qaadnay dagaalada Tukaraq, aniguna waan ku eedeeyey, waxaanan ku idhi arintan haddii aanad gacan ku lahayna adiga ayaa dhiiri geliyey waanan kuu xisaabinaynaa, wuu ka dhaartay anaguna waanu rumaysanay, arintaas sidii loo qaboojin lahaa inuu qaybtiisa ka qaato maaddaama oo Garoowe iyo Booosaaso ay ka tirsan tahay soomaaliya, dalkuna aanu gaalo ahayn ayaanu isla garanay.”

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.