Dhalanteedka hormarka dhaqaalaha Djibouti

LONDON – (warsoor) – EXX Africa (ExxAfrica.com) waxa uu baahiyay warbixin gaar ah oo lagu eegayo maalgalinta dalka, 24 May 2018. Marka ugu horeysa ee la eego, Djibouti waxaad moodaa meel aad maalgalinta ugu haboon gaar ahaan qalalaasaha ka taagan Mandaqada Afrika. Xasiloonida dalka waxaa lagu xiqiijiyaa joogitaanka ciidama shisheeye iyo khatarka amni ee mandaqada waxba ayna kasoo gaadhin.

Djibouti waxay ku taalaa meel istiraateejiyad oo dhacda khadadka maraakiiba caalumka ugu mashquulka badan, iyada oo maamusha meesha ay iska galaan Bada Cad  iyo Bada Indhiyaan Oshinku, taas oo soo jiidatay maalgalinta maalqabeenada Afrika, reer galbeedka, Aasiya, iyo maalgaliyayaasha dalalka Carabta, kuwaas oo si gaar ah u maal gashada aagaga bada, dhismaha, diyaaradaha, shidaalka iyo waaxda difaaca.

Laakiin, joojinta aadka indhaha caalamku ula socdaan ee heshiiskii ganacsiga  ee dakada horaantii sanadkan ayaa waxay keentay in su’aalo la iska waydiiyo siday Djibouti ula dhaqmayso maalgalinta shisheeye. Dhanka kalena, dawlada waxa kordhisay janjeedhka ay u janjeedho wadaniyada taas oo hormarinaysa waxka qabadka dalka dhanka dhaqaalaha. Sidoo kale, Djibouti waxay kala doorbidaa ciday gacansaarka hormarineed la yeelanayso, taas oo ku xad gudubtay heshiisyadii hore u jiray. Dhaxgalkaasi waxay qaabaynaysaa mustaqbalka maalgalinta shisheeye ee wixii ganacsiyada adeega ah, halka laga dayacay khayraadkii dabiiciga ahaa ee Djibouti.

Waxaa inta dheer, isaga oo markii afaraad jagada madaxwaynaha la wareegey madaxwaynaha dalka ka taliyaa kaas oo ku guulaysay codad aad u badan doorashadoo labada sano kahor, mucaarad cusub ayaa iminka ka mudaharaadsan doorashada dalka, kuwaas oo dalbana in isbadal siyaasadeed la sameeyo. Ciidama ayaa fara ba’an ku haya sidii ay u kala diri lahaa cidii taageysaysa mucaaradka iyo kuwa u dooda xuquuqda bilaa aadanka. Iyada oo cabudhisay xoriyatul qawlkii iyo xuquuqdii siyaasadeed, dawladu waxay kor u qaaday kala qoqobka qabiilada waxayna taas oo fursad u abuuraysa inay timaado iska caabin hubaysani. Sidoo kale, maadaama oo ayna cadayn cida badali doonta madaxwaynaha, waxay iyana kordhisay tartanka iyo waxyeelaha siyaasada ee mudada dheer.

Marka la eego, Djibouti dhaqaalihii dawlaha waxay ku salaysay waxa ay usoo tuureen dalalka mandaqada hogaaminaya sidoo kale iyada oo ku guul daraysatay inay dhaqaalaha baahiso oo ayna dekada oo kaliya dhaqaalaha soo gala aan lagu salaynin, marka runta la eego fursada maalgashi ee dalka ka jira way xadidan tahay. Weliba waxaa sii dheer, in wadaniyada lagu saleeyaydhaqaalaha, sidoo kale xasiloonida siyaadadeed ee liidataa waxay muujinaysaa muuqaalka dhalanteedka wakhtigan ee fursadaha maalgalineed ee Djibouti leedahay taas oo ah mid la buun buuniyay oo aan waaraynin.

Wixii macluumaadka dheeraad ah ama nuqulka warbixinta oo dhamaystiran ah, fadlan la xidhiidh ExxAfrica.com

Waxaa baahisay APO Group iyada oo matalaysa EXX AFRICA.

Xidhiidhka Saxaafada:
Robert Besseling
Maareeyaha Guud
Robert.Besseling@ExxAfrica.com
ExxAfrica.com

Macluumaadka
EXX Africa (ExxAfrica.com)  waa shirkado gaar ah oo laga helo saadaalin sax ah, in lagu go’aan qaato u diyaar ah, oo ganacsiga la xidhiidha taas khatarta siyaasada iyo dhaqaalaha Afrika ee ganacsiyada ku wajahan ah. Waxaanu la soconaa isbadalka qaabka qaarada waxaananu macaamiishaayada kala duwan siinaa macluumaadka khatarta la saadaalin karo ee hormarka siyaadeed iyo dhaqaale ee Afrika ee isbadbadalaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.