Booliska Oo Ka Hadlay Labo Qarax Oo Muqdisho Ka Dhacay

Muqdisho – (warsoor) – Laba Qarax ayaa goordhaw ka dhacay degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi, ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in qaraxyada lagu dhex qariyay Goob uu Yaallay Qashin.

Qarax_muqdisho

Col Bishaar ayaa intaa ku daray in qaraxa uu hal qof dhaawac fudud ka soo gaaray, islamarkaana aysan jirin wax kale oo qaasaare ah oo ka dhashay Qaraxyadaasi.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.