Arjiyadii wareega sadexaad ee Xawaareeyaha Ganacsiga ee Innovate Venture ayaa la furay

HARGEISA, – (warsoor) -Innovate Ventures (www.Innovate.so), oo ah hormood meeqaamka ganacsiga cusub ee Somali-da, ayaa iminka ka furtay arjiyadii wareega xiga xarunteeda magaalada Hargeysa. Ilaa maanta, barnaamijku waxa uu 25 ganacsigu oo bilaw ah siiyay maalgalin waxaanay ku kacday maalgalintaas uu bixiyay ku dhawaad $50,000. Iyada oo lagu salaynayo guushii sanadkii hore, barnaamijka sanadkani waxa uu aqbalayaa 12 ganacsi oo bilaw ah waxaanu ku maalgalin doonaa $30,000 kooxda muuqaalka mustaqbal ee ugu wanaagsan muujisa. Hadafka barnaamijku waa inuu taageero dhalinyada ganacsatada ah ee Somaliland iyo Somalia iyo inuu hormariyo nidaam dhaqaaleedka ganacsiga bilawga ee dalka. Innovate Venture waa hormoodka xaweereeyaha ganacsiga cusub ee Somali-da iyo maalgalin teknooloojiyadeed, waxaanay kala shaqaysaa Barnaamijka Work In Progress! VCA4 (https://VC4A.com), Telesom iyo Oxfam si loo hirgaliyo barnaamijkan.

Hordhaca Barnaamijka

Innovate Accelerator waa barnaamij 12 todobaad ah oo ka kooban talo iyo tobobar khabiiro iyo ganacsate iyo maalgaliyayaal kuwaas oo siinaya ilaa afar ganacsi oo cusub oo ka socda Maalgalinta Innovate Ventures.

Araajida shirkadaha cusub ee ku yaala Somaliland ama Somalia oo ay leeyihiin ganacsato da’doodu ka yar tahay 35 jir, waxaa lagu aqbalaa online ahaan. Ilaa 20 shirkadood oo cusub oo kuwan ka mid ah ayaa loo xulan doonaa tobobar hal todobaad ah, kaas oo qiimaha ganacsiga ee alaabta ama adeega uu iibinayo lagu dabaqi doonaa oo lagu qiimaynta doono sida uu suuqa usoo jiitay. Shirkadaha cusub ee ku guulaysta waxay u gudbi doonaa barnaamij xawaareeyaha oo 12 todobaad ah, kaas oo ka qabsoomi doona Hargeysa, Somaliland. Kooxdan waa la kormeeri doonaa waxayna heli doonaan tobobar ku saabsan sida qiimaha ganacsiga loo abuuro iyo ganacsi ku salaysan teknoolojiyad la balaadhin karo.

Maalinta Bandhiga

Maalinta Bandhigu waa maalin uu barnaamijka ku eeg yahay kaas oo shirkada cusub ay isbaran doonaa shirkada hormoodka ah iyo maalgaliyayaasha deegaamada Somali-da. Maalinta Bandhiga waxay shirkada cusub ku soo bandhigi doonaan ganacsigooda madal kulmisay maalgaliyayaasha deegaanka iyo ku calami ah iyo saxaafada. Afarta shirkadood ee cusub ee ugu sareeya waxay ka heli doonaan maalgalin $30,000 Maalgalinta Innovate Ventures.

Maamulida barnaamijka ee 3 sano waxay noo ahayd khibrad ay wax ka barteen kooxda Innovate Ventures”, ayay tidhi Warda Dirir, oo Kamid ah Aas Aasayaasha Innovate Ventures. “Waxaanu si joogto ah barnaamijka u waafajinaynay baahida ganacsatada ee mandaqadan caalamka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha u gaarka ah deegaankan. Taasi waxaan aaminsanahay inay tahay ta ka dhigaysa Innovate Ventures, aan kaliya ahayn tii ugu horeysey ee nooceeda ah, laakiin barnaamijka ugu munaasabsan ee lagu kobcinayo ganacsiga bilawga ah ee deegaanka”.

 

Alina Vinogradova, Madaxa Barnaamijyada iyo Xidhiidhka VCA4, ayaa raacisay: “Sadexdii sano ee lasoo dhaafay waxaanu la shaqaynaynay Innovate Ventures sidii aanu Somaliland usoo gelin lahayn khariirada xarumaha bilawga ganacsiga iyo goobaha maalgaliyayaasha ku deeqa adduunkooda. Waxaanu iminka aanu ka dhax arkaynaa midhihii beertaayada, ganacsigii bilawga ahaa ee sanadkii kowaad la maalgaliyay, Muraasdo kaas oo dhistay wax wax ku ool ah oo xataa laga soo daayay BBC’.

 

Iidhe

Barnaamijka xawaaareeyuhu waxa uu iidhehda ay u baahan yihiin u bixinayaa ganacsiyada cusub ee Somali-da, taas oo u suuro galinaysa inay aas aasayaasha suuqa ku tijaabiyaan ganacsigooda oo ay jawaab celin degdeg ah ka helaan wixii ku saabsan qaababka ganacsigooda ganacsato khabiiro ah iyo tobobarayaal ganacsi

 

Arjiyada

Arjiyada Innovate Accelerator waxay furnaan doonaan 6-da Abriil ilaa 15-ka Juun. Madasha aqoon iswaydaarsiga ganacsiga iyo madasha macluumaadka waxay wada jir ugu qaban doonaa VC4A iyo Innovate Accelerator cida araajida soo xaraynaysa, todobaarka 29-ka Abriil kaas oo kamid ah bandhiga Somaliland.

Waxaad arjiga kusoo gudbin kartaa halkan (https://vc4a.com/innovate-ventures/2018-innovate-accelerator/) ama waxaad iimeelkan nagaga dalban kartaa wixii macluumaad dheeraad ah Info@Innovate.so.

Distributed by APO Group on behalf of Innovate Ventures.

View multimedia content

Media Contact:
Alina Vinogradova
Programmes and Partnerships Lead
Tel:  +31(0)202336325

Macluumaadka Innovate:

Innovate Venture (www.Innovate.so) waa hormoodka kobcinta ganacsiga cusub iyo maalgalinta teknooloojiyada Somaliland iyo Somalia. Innovate Venture waxaa loo abuuray sidii ay u balaadhin lahayd cufka una kobcin lahayd ganasiga tekloojiyada cusub ee Somaliland iyo Somalia, si loo taageero jiilka cusub ee ganacsatada Somalida, iyo in la abuuro jawi qabaw oo koboca ganacsiga dalka ah. Innovate Ventures waxay ilaa sanadkii 2012 dhamaan deegaanada Somalida ka waday xarumo lagu sameeyo qorista koodhadhka, barbaarinta iyo kobcinta ganasiga.

Macmuulaadka VC4A:

VC4A (https://VC4A.com) waa madal maalgalineed iyo daladd ganacsato, maalgaliyayaal, maalgashadayaasha ikhtiraada iyo tobobarayaal kuwaas oo ka dhisa qaarada Afrika shirkado qaab cusub ah. VC4A waxay ka taageertaa ganacsatada cusub ee bilawga ah ee Afrika nidaamka koboca iyada oo ku xidha ganacsatada cusub maalgalin usoo marta madal online ah, waxay u ololeysaa maalgalinta sidoo kale waxay siisaa wixii taakulo ah kobciyayaasha deegaanada.

Macluumaadka Work In Progress! Alliance:

Hadafka “Work in Progress!” waa inay hormariso fursada dhaqaale ee wiilasha iyo gabdhaha dhalinyarada Masar, Nayjeeriya iyo Somalia, inay abuurto shaqooyin iyo inay godliso ganacsatada iyada oo abuursaysa xirfadii dhalinyeed, awoodsiinaysa ganacsiga yaryar iyo ka dhexdhexaadka(SMEs) ah iyo iyada oo deegaankii taas sahlayay samaynaysa. Alliance waxay wada shaqeeyaan Oxfam, VC4Africa iyo Butterfly Works.

Macluumaadka Telesom:

Telesom (www.Telesom.net) waa shirkada isgaadhsiineed ee ugu wayn taas oo xarunteedu guud ku taalo Hargeisa, Somaliland. Telesom waxay bixisaa alaabo iyo adeegyo kala duwan oo isgaadhsiineed. Waxay bixisaa adeega ku shubashada hadalka, adeega biilasha ku hadalka ee bishii, Adeega In taleefankaaga dalka aad caalamka kale ku adeegsan karto, MMS, WAP (oo GSM iyo GPRS-ba ah), adeegyada laymanka guryaha, iyo internetka broadband-ka.

SOURCE
Innovate Ventures

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.