Shirkadda Telesom Oo Lacag Ugu Deeqday Dhismaha Buundo iyo Waddo Laga Hirgalinaayo Xaafo Magaaladda Hargeysa Ka Tirsan

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta lacago ugu deeqday dhismo buundo laga hirgalin doono degmooyinka Ibraahim Kood-Buur iyo Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa, shirkadda ayaa guud ahaan waddadan iyo buundadda ku bixisay lacag dhan $8,000.

Shirkadda Telesom ayaa ugu horayn waxay lacag dhan $5,000 oo dollar ugu deeqday Buundo laga samaynaayo doox dhex Xaafadda Jigjiga Yar iyo Ganad ee degmadda Ibraahim Kood-buur ee magaaladda Hargeysa.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo oo ku hadlaayey afka shirkadda ayaa ugu horayn ka hadlay sida shirkadda Telesom ay uga go’an tahay inay bulshadeeda wax ku celiso, waxaanu halkaasi si rasmi ah ugu wareejiyey lacagta ay shirkaddu ugu deeqday dhismaha buundadan Guddida Horumarinta ee Xaafadda Ibraahim Kood-buur ee magaaladda Hargeysa.

DSC_0504

“Waxaan maanta halka ay ku kulmaan xaafadda Jigjiga Yar iyo Ganad  ee degamdda Ibraahim Kood-buur oo laagtaa weyn ee aad arkaysaan ay ku taalo ayaa loogu talo-galay in laga dhiso waddo biirasha oo loogu talo-galay mid dadku maraan iyo mid baabuurtu maraan. Shirkadda Telesom waxay guddida horumarinta ee xaafadda Ibraahim Kood-buur ay ku wareejisay lacag $5,000 oo Dollar, oo laga qayb-qaadanaayo dhismaha Biiriishkan oo dhismihiisa dhawaan la bilaabi doono”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdi Darbo.

Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlaayey afka guddida Horumarinta ee Xaafadda Ibraahim Kood-buur ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay deeqdan lacagta ah ee ay ku wareejisay, waxaanu shirkadda Telesom ku amaanay sida ay bulshadeeda ugula qayb-qaadato horumarinta arimaha danta guud ah.

“Waxaan ugu mahadnaqaynaa shirkadda Telesom oo aad iyo aad noo tix-galisay dalabkii aanu u qadimnay. Maanta Al-xamdulilaah taariikhdaa aanu taagan nahay lacagtaa waanu ka gudoonay”, sidaasi waxaa yidhi Suldaan Axmed Daahir.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale ka qayb-qaadatay dhismaha waddada labaad ee xaafadda Jameeco weyn ee degmadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa, waddadan oo ay shirkadddu kaga qayb-qaadatay qaadheen lacageed oo dhan $3,000 oo dollar lacagtaasi waxaa guddida dhismaha waddada Jameeco weyn ku wareejiyey madaxa Laanta horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda Telesom Yaasiin Nuur Mooge waxaanu sharaxaad ka bixiyey kaalinta ay shirkaddu kaga jirto horumarinta arimaha bulshadda.

DSC_0616

“Waxay waddadani ka mid tahay wadooyinka muhiimka ah, waxaanay shirkaddu ay waddadan ugu talo-gashay inay ku caawiso lacag dhan $3,000 oo dollar oo aanu gudoonsiinayno Yuusuf oo ka mid ah Guddida Odoyaasha xaafadda Jameeco weyn”, sidaasi waxaa yidhi Yaasin Nuur Mooge

Qaar ka mid ah Guddida Dhismaha Waddada labaad ee Jameeco weyn ayaa uga mahadnaqay shirkadda Telesom gacanta ay ka gaystatay dhismaha waddada labaad ee Jameeco weyn.

“Xaafaddu waa xaafad facweyn Jameeca weyn baa la yidhaahdaa waa halkii magaaladdu ka abuurantay, waxaan aragnay in baarbuurtii meel ay u soo maraanba lahayn oo kuwii biyaha dhaamin jiray ay waraabin kari waayeen xaafadihii. Waxaan Ugu mahadnaqaynaa (Telesom) caawimadda ay ka gaysteen waddada loo samaynaayo xaafadda”, sidaasi waxaa yidhi Xaaji Qaadafi.

DSC_0593

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.