Shir madaxeedka 6-aad ee iskaashiga Afrika iyo Japan oo maanta ka furmaya Nairobi

Nairobi – (warsoor) – Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya uu ka furmo shir madaxeedkii u dhexeeyay dalalka Afrika iyo sidoo kale dowladda Japan ee TICAD loo yaqaano.

Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

ticad

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan.

Dalka Japan ayaa ka mid ah dalalka iskaashiga dhow la leh qaaradda Afrika, waxaana uu dhowaanahan xoojiyey xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya qaaradda.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.