Muqdisho – (warsoor) – Dawladda Talyaaniga ayaa qalab ciidan oo kala duwan ku wareejisay taliska Ciidmadda Asluubta ee Soomaaliya, munaasibada ka dhacday magaaladda Muqdisho.
Dawladda Talyaaniga ayaa ku wareejisay ciidamadda Asluubta Soomaaliya qalab ciidan oo ka kooban Dirays, kabo, katiinaddo, koofiyadaha iyo gaashaanka lagaga hor tago rabshadaha dibad-baxayaasha iyo qalab kale oo kala duwan.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliye Sareeye Guuto Cabdikariin Cali Afrax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa uga mahadnaqay dawladda Talyaaniga taageeradda ciidan ee ay ku wareejisay waxaanu sheegay in qalabkani uu wax weyn ka tari doono baahiyaha ciidamada asluubta Soomaaliya.
Korneel Bernardo Mencraglia oo ah Madaxa hay’adda Gargaarka Talyaaniga ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta Somaaliyeed waxaana uu xusay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada Dhismaha Ciidamada dalka Soomaaliya.
Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada sida gaarka ah u caawiyo Soomaaliya waxaana ay inta badan ka qeyb qaadataa Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dhismahooda.
This post is also available in:
Somali