Telesom Foundation Oo Gaadhi Dhakhtar Wareega ah Guddoonsiiyey

HARGEYSA – (WARSOOR) – Munaasibada ka qabsoontay Huteel Casood ee magaaladda Hargeysa ayaa Ha’yadda Telesom Foundation waxay laba gaadhi ugu deeqday Hay’adda Relieve Humanity International oo ah hay’adda ka hawl-gasha dalka.

Maaulaha Hay’adda Telesom Foundation ayaa ka hadlay munaasibadda waxaan hadaladiisii ka mid ahaa, “Waxa noo sharaf ah in aanu Hay’adda Relieve Humanity International oo aanu shaqo wadaagnahay kala qayb qaadano mashruuc Isbitaalka Wareega (Mobile Medical team ) ah oo laga hirgelinayo Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer oo lagu sii bilaabi doono. Laba gaadhi oo si wanaagsan u qalabaysan kuwaas oo ay ku hawl-gelayaan koox caafimaad oo dhammaystiran kana kooban dhakhtar, kalkaaliye, umuliso, shaybaadhiiste ayaa ka hawlgelidoona deegaamada fogfog ee labadaas gobol”.

Isagoo hadalkiisa sii wadda waxaa uu yidhi, “Telesom Foundation ahaan anaga oo ka fekerayna in aanu sii balaadhino wadashaqaynta aanu la leenahay RHI waxa noo qorshaysan in uu gaadhsiino gobolada kale ee dalka”.

Gaadhidan ayaa noqonaaya kuwii ugu horeeyey ee dalka la keeno, kuwaas oo siin doona hawl-wadeenadda caafimaadka adeeg dhameystiran oo caafimaad.