Hoggaanka Xisbibga KULMIYE oo ka Qaybgalay Wanqasha Degmada cusub ee Gumburaha

Hargeysa – (warsoor)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey wanqasha degmada cusub ee Gumburaha ee gobolka Hawd oo ka mid ah degmooyin cuusb oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).DSC_0002.JPG_024

Wefti KULMIYE ka tirsan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. Maxamed Kaahin Axmed, is markaana ay xubno ka ahaayeen Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf, hoggaanka garabyada haweenka ee heer qaran iyo heer gobol iyo weliba saraakiil kale oo xisbiga ka mid ah, ayaa ka qaybgalay xafladda Wanshaha Gumburaha oo ka dhacday goob si qurux badan looga asteeyey degmadaasi maanta, iyadoo masuuliyiinta xisbiga iyo wasiirro badan oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo ka qaybgalay wanshaqa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey madasha, kuwaas oo khubado ay halkaas ka jeediyeen oo soo jiitay dadweynaha deegaanka kaga warramay taariikh iyo weliba muhiimada ay degmada cusubi leedahay.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo hadal ka jeediyey xafladda, ayaa dardaaran dhaxalgal ah ujeediyey shacabka ku dhaqan degmada cusub ee Gumburaha, waxaannu ku adkeeyey inay ka shaqeeyaan dhismaha iyo weliba horumarinta degmada, “Degmooyinka ujeeddo gaar ah baa loo saameeyaa, sababta ay dadkii u soo halgamay hawsheeda u wadeen waxay ahayd inay kor-u-qaado mujtaca halkan deggen dhinacyada waxbarashada, biyaha iyo caafimaadkaba. Haatan waxa la idinka rabaa in degmada la wada dhisto oo la derdergeliyo, maadaama dhawaan la xisaabtami doono marka kala xadaynta degmooyinka iyo gobollada la sameeyo,” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda degmada Gumburaha leedahay, isagoo si gaar ahna uga sheekeeyey taariikho hore ay degmada goob-joog uga ahaa xilliyadii halgankii hubaysnaa ee SNM lagu jirey oo ay ka mid ahayd talisyadii ciidamadu fadhiyi jireen, waxaannu yidhi, “Anigu waxaan ahay ninka ugu xiga degmada cusub ee Gumburaha, geedkan innagu dheggenina waa taliskaygii guud ee ciidamada SNM, waxaan hubaa inay tahay magaalo istaahisha in degmo laga dhigo oo weliba aan is-leeyahay waa lagala soo daahay, haddiise degmo laga dhigay waxaan aaminsanahay inay noqonayso degmo dhismaysa oo horumaraysa, waayo waxaan garanayaa oo ku qiimaynayaa ficilka dadka halkan deggen oo aannu xilliyo adag halkan la deggenayn.”

Md. Maxamed Kaahin waxa kaloo uu si gaar ah uga hadlay shacabka ku dhaqan degmada Gumburaha oo uu ku tilmaamay qaar xilkas ah, waxaanu sheegay inay farxad gaar ah u tahay inuu wanqasha degmadii xilligii halganka fadhiisinka u ahayd maanta goob joog u ahaado,“Magaaladani waxay leedahay odayaal iyo waayeel xilkas ah oo hoggaamin leh, waxay leedahay shicib aad iyo aad u wanaagsan, waana dad aad iyo aad u deeqsiyaal ah, waxaana sharaf weyn ii ah in anigoo jabhad halkan ku joogay inaan maantana goob-joog ahaado in Gumburaha loo magacaabay degmo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin, waxa uu halkaas kaga dhawaaqay deeq lacageed oo Toban kun oo dollar ah oo uu xisbiga KULMIYE Kaga qaybqaadanayo horumarka degmada cusub ee Gumburuha, “Waxaannu qorshaynay inaannu maanta Guddoomiyaha guddida Beesha halkan degen ku wareejinno lacag dhan Toban Kun oo Dollar ($10,000), wixii kale ee baahiyaheeda ah waanu la socon doonaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin, waxaanna markii uu hadalkaasi ku dhawaaqa is qabsaday sacab iyo mashxarad ay isla oogsadeen shacabkii madasha joogay, iyadoo shacabka deegaanku garwaaqsadeen sida hagar la’aanta ah ee xisbal-xaakimku u garab taagan yahay deegaankaasi, isla markaana ay iyaguna u taageersan yihiin.

DSC_0002.JPG_013

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.