Sheekh Aadan Madoobe oo ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Muqdisho – (WARSOOR)-Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku guuleystay af-hayeenka golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Doorashadda oo la isla gaaray wareegga labaad ayaa waxaa isku soo haray Xasan Cabdinuur iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha KMG ee Golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu Sheekh Aadan Madoobe ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya, waxaana uu helay coddad gaaraya 163-cod. Hal Musharax Cabdinuur uu helay 89-cod.

Waxaa tartan ka tanaasulay Xil. Cabdullahi aadan Axmed Balck iyo Xil. Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ka soo gudbay wareegga koowaad ee doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Natiijada tartanka wareegga labaad ayaana loo kala helaya sida tan:

1. Xil. Sheekh Aadan Maxamed Nuur waxaa uu helay 163-cod.

2. Xil. Xasan Cabdinuur waxaa uu helay 89-cod.

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in berri la qabanayo doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeen labaad ee golaha shacabka.