Shariif Xasan oo sheegay in loo diiday inuu u dhoofo Baydhaba

MUQDISHO — (WARSOOR) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasna Sheekh Aadan ayaa sheegay maanta in loo diiday inuu u dhoofo magaalada Baydhaba si uu ugu tartama kursi ka mid ah baarlamaanka oo degaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhaba.

Shariif Xasan ayaa arrintan ku eedeeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, hase yeeshee VOA oo isku dayday inay la xiriirto maaxdaweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen, weli uma suurtogelin.