Hargeysa – (warsoor) – Xafiiska Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabtu waxay ugu bishaareynayaan dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalkan Imaaraadka Carabta in kor loo qaaday darajadii xafiiska wakiilka Somaliland ee UAE oo laga bilaabo maalintii taariikhdu ahayd 13 July, 2018, ay dowladda UAE u aqoonsatay inuu noqdo xafiis dowladda Somaliland uga wakiila danaha Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Imaraadka Carabta (Somaliland Liaison Office).
Haddaba munaasabad lagu daahfureyo hawlaha iyo adeega xafiiska Somaliland Liaison office ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dubai maalinta taariikhdu tahay 22, Jul,2018.
Allah Mahad leh
Ambassador Baashe Cawil Cumar.
This post is also available in:
Somali