Saddexdii Ciyaartoy ee ugu saameynta badnaa tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland.

Saddexdan Ciyaaryahan ayaa kala ah

■Bixid: Sheekh Xamse, oo ah Weeraryahan ka tirsanaa xulka Gobolka Togdheer, waxa uu magac ku helay, marka laga yimaado ciyaar wanaagiisii labadii kulan ee Sool iyo Gebilay ay la ciyaareen, arrintii ku saabsanayd sidii uu tanaasulka iyo masuuliyaddu ku dheehnayd ee uu uga tanaasulay Kabtankii Xulka Togdheer ee Ciyaaryahanka ka tirsan xulkiisu ku qabsaday garoonka dhexdiisa iyo dhacdadii kale ee ahayd in sidoo kale lagu qabsaday Lambarkii uu ku ciyaarayey ee lambar 10-ka oo isagana u bixiyey Ciyaaryahan kale, isaga oo xidhay Funaanad ay ka xardhanayd Lambar 3.

■ Dhexda Waa Yusuf Lambaza, oo Goolhayihii birta ahaa ee Xulka Sool, ee shabaq ilaashaday laba kulan oo adag oo ay la ciyaareen Togdheer iyo Gebilay, balse kulankii Daad-madheedh ee Sideed dhammaadka daadka laga dhigay, iyada oo dhaawac oo gaadhay kulankaasi, lagu macneeyey goolashii ka dhashay, inuu Lambaza uu ahaa maqane jooga, madaama dhaawac culus madax ka soo gaadhay.Goolhayahan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu magac weynaa ee tartankii Gobollada isku muujiyey.

■Midig; Cabdikariin Guji, waa maashiinkii iyo dhexdii ugu fiicnayd ee Ciyaaraha Gobollada Somaliland. Guji, waxa uu muujiyey ciyaar wanaag, akhlaad iyo hoggaamin suuban, madaama oo uu ahaa Kabtanka xulka Maroodi jeex, isaga oo noqday xidigii ugu wacnaa, soda Wasaaradda Ciyaaruhu sheegtay, kuna muteystay abaal marin.Sidoo kale Guji ayaa xulkiisa soo gaadhsiiyey Ciyaartii Finalka, isaga oo dhaliyey mid ka mid ah goolashii ugu quruxda badnaa intii tartanku socday.

Sawirkan, waxa aan ka soo qaatay Sky Cable Sports