Ra’iisul wasaaraha Kuwayt oo iscasilaadda xukuumadda u gudbiyay amiirka dalkaas

KUWAYT – (WARSOOR) – Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Khaalid Al-xamad ayaa iscasilaadda xukumadiisa u gudbiyay maanta amiirka dalkaas Shiikh Nawaaf Al-xamad Al-jaabir.
Lama sheegin sababta dhabta ah ee ka danbeysay go’aanka xukuumadda laakin waxaa jiray maalmihii lasoo dhaafay wada shaqeyn la’aan soo kala dhaxgashay baarlmaanka iyo xukumada.

Iscasiladdaan ayaa noqoneysa tii labaad ee usoo gudbiyo ra’iisal wasaaraha dalka Kuwayt tan iyo markii loo magacabaay xilka oo laga joogo muddo sand ah.