Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kabul

KABUL —  (WARSOOR) – Qarax ka dhacay afaafka hore ee saldhigga ciidamada cirka oo ku yaalla caasimadda Afghanistan ee Kabul ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, sida ay ku warramayaan saraakiisha dalkaasi.

Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxan ka dhacay albaabka xaruntan ciidan ee ku dhow garoonka diyaaradaha caalmiga ah ee Kabul, sida ay AFP ka soo xigatay Abul Nafy Takoor oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

“Tiro dad ah ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxa,” ayuu yiri Takor oo intaas ku daray in maamulku uu baarayo shilkaasi.

Maamulka Taalibaan ayaa sheegta in ay hagaajiyeen amniga tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen xukunka Ogosto 2021-kii laakiin waxaa dhacay qaraxyo iyo weeraro badan, oo ay qaar badan sheegatay kooxda ISIS.

Bishii hore, ugu yaraan shan qof oo Shiinaha u dhashay ayaa lagu dhaawacay kadib markii dabley hubeysan ay weerareen hotel can ku ah ganacsiga Shiinaha oo ku yaalla Kabul. Weerarka ayaa waxaa sheegtay Daacish.

Boqolaal qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Afghanistan ayaa lagu dilay laguna dhaawacay weerarro tan iyo markii Taalibaan ay xukunka dib ugu soo laabatay.