Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Oo Qaabilay Agaasimaha Barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka UNEP

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.

Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay Dawladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyadoo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta Dawladda Soomaaliyeed.