Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanka Caasimada qaar ka mida

Hargeysa-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada beesha degta Koonfurta iyo Bariga Caasimada Hargeysa, iyo degmada Sallaxley.

Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud ee Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya.

Sidoo kale Kulankaa waxa la isku raacay in la dhiso lana taageero musharaxa madaxweynaha ee xisbi xaakimka Kulmiye iyo xukuumaddiisa.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.