Kooxda oo Hogaanka u Qabatay horyaalka Ingiriiska

Kooxda Arsenal ayaa 4-2 ku garaacday kooxda Brighton & Hove Albion ciyaartii ugu dambeysay ee horyaalka Ingiriiska ee sanadka 2022 Sabtidii, waxaana guushaas ay xaqiijisay inay toddoba dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamiyo horyaalka.

Bukayo Saka, Eddie Nketiah, Gabriel Martinelli iyo Martin Odegaard ayaa dhaliyay goolasha Arsenal, waxaana ay Arsenal hoggaanka horyaalka ku haysa 43 dhibcood, iyadoo Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad ay barbaro 1-1 ah la gashay Everton, iyadoo leh 36 dhibcood, halka Newcastle United ay barbaro 0-0 ah la gashay Leeds, iyadoo laba dhibcood ka hoosaysa, kuna jirta kaalinta saddexaad.

“Kooxaha kale waxba nagama khuseeyaan. Seddex dhibcood ayaa inoo muhiimsaneyd, waana soo helnay, laga yaabee inaan u baahneyn inaan xakameyno ciyaarta, waxaanse u oggolaanay labo fursadood, laakiin waa koox wanaagsan.” ayuu yiri Kabtan Odegaard oo la hadlayay Sky Sports.

Saka ayaa isna sheegay in kooxdiisu ay aad ugu faraxsantahay in ay toddobo dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamiyaan horyaalka sanadka cusub.

“Waan ku faraxsannahay, fursad fiican ayaan heysannaa. Meel fiican ayaan joognaa” ayuu yiri Saka.