Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Oo Qabatey Kulanka Daneeyayaasha Arrimaha Shaqo Abuurka iyo Arrimaha Shaqada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL ayaa maanta soo qaban qaabisay kulanka saddex biloodlaha ah ee daneeyayaasha arrimaha shaqo abuurka iyo arrimaha shaqada (national employment and labor coordination meeting)

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor) oo uu wehelinayano Agaasimaha Guud Wasaaradda mudane Axmed Xasan Aw Aadan.

Shirkan oo ah mid si joogta ah loo qabto, socona doona labada cisho ee soo socda ayaa lagu falanqeeyaa arrimaha shaqo abuurka iyo shaqada ee wadanka ka socda.

Waxaana shirkaa ka soo qayb-galay, badiba Hay’addaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo shirkadaha waawayn ee wadanka ka shaqeeya, waxaana laysla qaatay in dadaalada wadanka ka socda la xoojiyo kulankanina uu noqdo mid joogta ah.