Putin oo sheegay in Ruushku hubkiisa Nukliyeerka uu geynayo dalka Belarus

MOSCOW – (WARSOOR) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Sabtidii sheegay in Ruushku uu geyn doono hubka Nukliyeerka dalka Belarus, isaga oo digniin u diray isbaheysiga NATO, taasoo ku aaddan taageerada militari ee ay siiso Ukraine.

In kasta oo hadalka Putin aanu ahayn mid lama filaan ah, waxa uu sheegay in tallaabadani aanay jabin doonin ballan-qaadyadii xakameynta hubka Nukliyeerka, haddana waa mid ka mid ah calaamadaha Nukliyeerka ee uu Ruushku ku dhawaaqayay tan iyo bilowgii duullaanka uu ku qaaday Ukraine 13 bilood kahor.

Maraykanka – oo ah quwad kale oo ka mid ah quwadaha nukliyeerka ah – ayaa si taxadar leh uga jawaabay hadalka Putin, iyadoo sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Mareykanka uu sheegay inaysan jirin calaamado Moscow ay qorsheyneyso inay isticmaasho hubkeeda Nukliyeerka.

Putin ayaa qorshihiisa la barbar dhigay Maraykanka oo hubkiisa dhigaya Yurub, wuxuuna sheegay in Ruushku aanu maamulka hubkaas ku wareejin doonin Belarus.

Laakiin tani waxay noqon kartaa markii ugu horreysay tan iyo bartamihii 1990-meeyadii oo Ruushku uu hub noocan oo kale ah ka dhigo meel ka baxsan xudduudiisa.

“Tallaabadani maaha wax aan caadi ahayn oo lala fajaco: marka hore, Maraykanku waxa uu hubkiisa Nukliyeerka muddo dheer oo tobanaan sano ah u daabulayay dalalka ay xulafada yihiin,” ayuu Putin u sheegay telefishinka ku hadlay afka dowladda Ruushka.

“Waxaan ku heshiinay inaan sidaas oo kale sameyn doono – annaga oo aan ku xad-gudbin waajibaadkeena caalamiga ah ee ka hortagga hubka nukliyeerka.” ayuu raaciyay.

Xiisada ka dhalatay dagaalka Ukraine ayaa cirka isku shareertay kadib markii sahay militari oo culus ay reer galbeedka geeyeen Kiev.