Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya u tartamaya oo Shirar Gaar Gaar Qabsan Doona

Muqdisho – (warsoor) – Maalinta berrito oo ay taarkhiidu ku beegan tahay 21 bisha November, ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo midowga musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shirar horudhac u ah kulankaasi oo ay yeelanayaan Musharaxiinta xilka Madaxweyne  ayaa caawa ka socda magaalada Muqdisho.

Musharax Madaxweyne Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ahna musharax u taagan xilka Madaxweyne ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada.

Dhanka kale musharax Madaxweyne Cabdikarim Xuseen Guulleed ahna Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa kulan wada tashi ah la qaatay caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo xilligan, gaar ahaan hanaanka dorashooyinka.

Sidoo kale waxaa kulamada ka qeyb ahaa siyaasiyiinta kale oo iyana doonaya xilka Madaxweyne sida Madaxweynihii hore ee Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
 

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa berri shir u furmaya, iyagoo sameysanaya Gole ay ku mideysan yihiin, waxaa shirkooda socon doonaa saddex maalin.