Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Kulan Ballaadhan La Qaatey Qaar Ka Mid ah Ardeyda Jaamacadaha ee Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay kulan aad u ballaadhan hotel Maamuus ee  Hargeysa kula qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada iyo ardeyda kala duwan ee wax ka barta jaamacadaha dalka.

Kulankan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, hoggaamiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha cadaaladda Xisbigaasi Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, Xoghayaha ciyaaraha ee Xisbigaasi Yoonis Axmed Yoonis, Xoghayaha Duulista ee Xisbigaasi Nuuradiin Diini, Madaxa Hawl-wadeenada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Aqoonyahan Baashe Yuusuf, guddoomiyaha garabka dhallinyarada Xisbigaasi Md.Maxamed Siddiiq, xoghayaha garabka dhallinyarada Aftax Siciid Jaambiir, Qasnajiga garabka dhallinyarada Filsan Cabdiraxmaan, siyaasiyiin, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbigaasi iyo weli ba sida oo kale ardeyda jaamacadaha ee kulanka loo qabtay iyo dhallinyar kale.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa is xog-waraysi iyo weli ba siddii barnaamij siyaasaddeedka Xisbigaasi loo la wadaagi lahaa ardeyda jaamacadaha ee dalka, ayaa hadalo kooban oo ay halkaas ka jeedisay ardeyda jaamacadaha dalku, waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay soo hor fadhiistaan madaxda Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay ka dhageystaan qorsheyaasha siyaasaddeed ee ay ugu tallo-galeen dhallinyarta, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay aad ugu boggeen isla mar ahaantaana ay wakhti xaadirkan la dhacsan yihiin siyaasadda Xisbiga WADDANI uu doonaayo in uu ku hoggaamiyo talada dalka.

Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI, Xoghayaha ciyaaraha Xisbiga, Xoghayaha Duulista, Madaxa Hawl-wadeenada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada, Xoghayaha garabka dhallinyarada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xisbiga oo halkaas ka hadlay, waxa ay dhammaantood ba ku dheeraadeen doorka Xisbiga WADDANI uu dhallinyarada ka siiyey ka qeyb-galka siyaasadda iyo hagista maamulka sare ee Xisbigaasi iyaga oo sida oo kale ardeyda jaamacadaha u iftiimiyey in Xisbigu yahay xisbi dhallinyaro oo diyaar u ah siddii uu mar walba kaalin muuqata uga qaadan lahaa wax ka qabashada biyaha ku xeeran dhallinyarta sida oo kale na bar-bar istaagi lahaa dhallinyarta Somaliland.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi iyo Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo iyagu na dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey kulankaasi, waxaana ay sheegeen in Xisbiga WADDANI u taagan yahay siddii wax u la qaban lahaa dhallinyarta Somaliland.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kulankan la qaato ardeyda jaamacadaha dalka, waxaana uu sheegay in Xisbiga WADDANI siyaasad cad ka lee yahay horumarinta dhallinyarada Somaliland isaga oo carabka ku dhuftay in Xisbiga WADDANI marka uu guuleysto uu ka shaqeyn doono siddii shaqo abuur looggu sameyn lahaa dhallinyarta, iyada oo uu hoosta ka xariiqay in dawladda dhalan doonta ee Xisbiga WADDANI ay noqon doonto mid ay hagaan dhallinarta oo uu sheegay in xiligan ba ay uu Xisbigu kumanaan dhallinyaro ah uu fursad u siiyey siddii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen siyaasadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.