Mudaharaado Rabshado Watta Oo Habeenkii Lixaad Ka Socda magaalooyinka Maraykanka

Maraykanka – (warsoor) – Magaalooyinka Maraykanka waxaa habeenkii lixaad ka socda mudaharaado rabshado watta, kuwaasi oo ka dhashay dilkii loo geystay ninkii madoobaa ee dhawaan u dilay askari caddi.

Waxaa dalka Maraykanka 40 magaalo oo ka mid ah lagu soo rogey bandoo, balse dadka ayaa ka dhago adeegey oo wali wadda gadood.

Booliska rabshadaha ka hortaga iyo dad mudaharaadayaal ah ayaa isaga horyimid magaalooyinka New York, Chicago, Philadelphia iyo Los Angeles. Booliska ayaa u adeegsaday mudaharaadayaasha gaasta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaasta caagaha si ay u kala kaxeeyaan dadka.

Waxaa dab la qabadsiiyey baabuurta booliska, waxaan sidoo kale la bililiqeystay tukaano ku yaalay magaalooyinka ay rabshaduhu ka dhaceen.

Dawladda Maraykanka ayaa hawl-galisay 5000 oo ciidanka ilaalada qaranka ah oo ka tirsan 15 gobol oo dalka Maraykanka ah. Magaalada Washington, DC ayey ciidamadu gaadh ka qabteen xayndaabka guriga cad ee looga taliyo Maraykanka. Xili ay wali dadka mudaharaadayaa ay tuurayaan quraarado holcaya iyo dhagaxaan.