Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun ku riday sarkaal lagu helay inuu Daacish ka tirsan yahay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday nin lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish ee Soomaaliya, una qaabilsanaa kala gudbinta lacagaha.

Maxkamadda ayaa ku heshay Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale inuu tan iyo 2008 u shaqeynayey kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo markii hore ka tirsanaa Al-Shabaab, balse 2016 u goostay dhanka Daacish.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeyay Cabdirisaaq in uu kala gudbiyay lacag dhan $400,000 (afar boqol oo kun dollar), intii u dhexeysay 2019-2020.

Waxaa sidoo kale lagu edeeyay in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa inuu la macaamilo horjoogayaasha kooxda sida ku-xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani, ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta wararka kooxda iyo muuqaalladooda.

Maxkamadda ayaa Cabdirisaaq ku riday xukun 15 sano oo xabsi ciidan ah, wuxuuna haystaa inuu racfaan ka qaadan karo muddo 30 cisho gudahood ah.