Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Shirkadda MSG kala wareegay 1,000 Booyadood oo Biyo ah oo loogu Talo Galay Gurmadka Abaaraha

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha heer qaran,Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta shirkadda MSG, ka guddoomay deeq dhan biyo ah oo dhan 1,000 (Kun) Booyadood oo biyo ah oo ay ugu talo galeen ka qaybqaadashada gurmadka abaaraha ka jira dalka Somaliland.

Madasha uu madaxweyne-ku-xigeenku kula wareegayey deeqda Booyadaha biyaha ah ee ay bixisay shirkadda MSG ee uu mulkiilaha ka yahay ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi, ayaa waxa goob-joog ku ahaa xubno kamid ah guddida abaaraha ee heer qaran, xildhibaanno iyo saraakiil kale.