Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey gobolka Saraar

Caynaba – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha heer qaran, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobollada bariga, ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyey xarunta gobolka Saraar ee Caynaba.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxa halkaas kusoo dhaweeyey boqollaal kamid shacabka reer Caynaba oo ay hormuud u yihiin, xildhibaanno iyo wasiirro gobolka kasoo jeeda, maamulka gobolka iyo midka degmada, cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka, waxana ay weftigu bulshada kala hadleen goob fagaare ah.