Madaxweynaha Soomaaliya oo Mar Kale Haweenka Ku Taageeray In Kooto Loo Qoondeeyo Dawladdad cusub ee La soo Dooran Doono

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah-furay shir heer qaran ah oo haweenka Soomaaliyeed ay kaga arrinsanayaan hirgelinta qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka doorashada dhowaan dhici doonta.

Khudbad uu munaasabaddaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka wadajirka ah ee haweenka ku doonayaan inay kaalin kaga cayaaraan siyaasadda, hoggaanka iyo dib u dhiska dalka.

madaxweynaha_soomaaliya

“Haweenka waxay door weyn ku leeyihiin dalka, mana jirto cid xaqiri kara xuquuqdooda. Waxan idin kula talinayaa inaad xuquuqdiina ku raadsataan waddo nadiif ah oo wax dhisaysa, lagana fogaado qabiilka siyaasadeysan iyo in si khaldan bulshada loo kiciyo, waayo waxay tallaabooyinkaasi noo horseedi karaan colaad , burbur iyo dib u dhac’’, ayuu yidhi Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay inuu doonayo in doorashooyinka dalka ka dhici doona dhowaan ay noqdaan kuwo xor ah, caddaalad ku saleysan, isla markaana haysta kalsoonida shacabka.

haweenka_madaxweynuhu_taageeray

Waxaa uu Madaxweynaha ugu dambeyntii xusay in wax badan la qabtey afartii sanno ee la soo dhaafay, balse uu qirayo in Soomaalida ay istaahilan, xaqna u leeyihiin inay helaan nolol iyo horumar ka ballaaran midka ay hadda haystaan.

Xigasho:

Sonna

 

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap