Madaxda amniga Muqdisho oo wax laga beddelay

Muqdisho – (warsoor) – Taliyeyaal iyo ku xigeenno u qaabilsan booliska saldhigyo degmooyin ku yaalla Muqdisho iyo qaybo Boolis ayuu maanta xilalkii ka qaaday taliyaha booliska ee Soomaaliya S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed.

Saldhigyada iyo qaybaha ay arrintan saamaysay waxaa ka mid ah saldhigyada Huriwaa, Warta nabadda (Wardhiigley), Dharkeenley, Waaberi, Xamar jajab, iyo Shibis.

Afhayeenka booliska, Kornayl Qaasim Axmed Rooble, oo BBC ay wax ka weydiisay sababta keentay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka saldhigyada ayaa ku gaabsaday “in taliyuhu uu dareemay in baahi loo qabo in isbeddel la sameeyo”.

Xilligan waa xilli aad loogu baahan yahay in nabadgelyada wax laga qabto, taliyuhuna sidaas ayuu u gartay in isbeddel loo sameeyo. Isbeddel ayaa la rabaa” ayuu sii raaciyey.

Kornayl Qaasim wuxuu ka gaabsaday in xiriir uu ka dhaxeeyo amni darro muddooyinkii u dambeeyey laga dareemayey Muqdisho iyo isbeddellada lagu sameeyey booliska, taa beddelkeedana wuxuu ku adkaysanayaa in boolisku ay “wax ka qabteen amniga Muqdisho”.

“Waddo kasta oo aad marto, laami ama jid cadde, waxaad ku arkaysaa gadiid boolis iyo ciidan lugaynaya” ayuu yiri.

Isbeddelkan ayaa la hadal hayey dhowrkii maalmood ee u dambeeyey, waxaana lala xiriirinayey amni darro baahsan oo ku soo badatay magaalada Muqdisho.

Isbeddelkan ayaa ah mid si taxaddar leh loo eegi doono waxa uu ka beddeli doono amniga guud ee Muqdisho.

 

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.