Khasaaraha Ka Dhashay Duulaanka Ruushka Ee Yukrayn

Yukrayn – (WARSOOR) – Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 112 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kharkiv ee bariga Ukraine, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha gobolka Oleg Synegubov.

Maamulka magaaladan ayaa sheegay in gantaalaha Ruushka ay ku dhaceen bartamaha magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, oo ay ku jiraan xaafado la deggan yahay iyo xarunta maamulka gobolka.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qortay ciidamada cirka ee Ruushka ayaa ka degeen magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv ee bariga dalkaas, waxaana imaanshaha ciidamada Ruushku ay keentay isku dhac markiibiiba jidadka magaalada ku dhexmaray shacabka oo kaashanaya ciidanka booliska iyo ciidanka Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale xalay ka geystay caasimadda Ukraine ee Kyiv duqeymo culus oo cirka ah, waxaana tan iyo markii uu billowda duullaanka Ruushka muddo toddobaad ah ay Mosccow isku dayeysaa inay qabsato magaalada Kyiv.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ku tilmaamay “kaligii taliye” xilli uu xalay jeedinayay khudbaddiisa sanadlaha ah ee State of the Union, toddobaad kadib markii Moscow ay weerartay Ukraine.