Kal-fadhigii 2-aad ee Golaha Cusub oo si Rasmiya U Furmay

Hargeysa – (WARSOOR) – Waxa maanta si rasmiya u furmay Kal-fadhigii 2aad ee Golaha Cusub.Fadhigan 1-aad ee Kalfadhiga 2aad oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha golaha Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo goleweynaha u jeediyey Khudbad dardaaran iyo hogotusaalayn u badnayd waxaanu Mudanayaasha ku wargeliyey in Ajandaha Kalfadhiga ay maanta dejin doonaan Gudida Hawlaha Golaha (Business Committee) oo ka kooban shirgudoonka iyo gudoomiyayaasha Gudi hoosàadyada golaha.