Ingiriiska oo la kulmay cambaareyn caalami ah kaddib midab-takoorkii cayaartooyda madow

LONDON – (WARSOOR) – Xidhiidhka kubadda cagta ee England, Ra’isul Wasaaraha Britain Borris Johnson, kooxaha kala duwan ee bulshada, xiriirka k/cagta ee Yurub ayaa waxay dhammaan cambaareyeen farriimo qoraal ah oo baraha bulshada la soo mariyay, kuwaas oo lagu oo cunsuriyeeyay cayaaryannada madowga ah ee xulka Ingiiriiska.

Cayaaryahannadan oo kala ah Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka ayaa xulka Ingiriiska ka khasaariyay rigooreyaashii ciyaartii kama-dambeysta aheyd ee koobka qaramada qaaradda Yurub, kaas oo Talyaanigu ku guuleystay.

Bulshada isboortiga caalamka ayaa cambaareeyay hadallada isir-naceyka ah ee lagula kacay cayaartooydaas, iyadoo cayaartooydii hore ee horyaalka iyo kuwa hadda u ciyaaraha kooxaha Ingiriiska, oo u kala dhashay dalal badan oo caalamka ah ay taageero u muujiyeen cayaaryahannada sida goonida ah loo takooray.

Warararkii ugu danbeeyey ee caradii ka dhalatay guuldaradii England iyo fariimaha cunsuriyadda xambaarsanaa waxa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.