Hoggaanka KULMIYE oo kulan Ballaadhan la yeeshay Taageereyaasha Xisbiga ee Gabiley

GABILEY – (WARSOOR) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa shalay kulan la qaatay cuqaasha, waxgaradka, dhallinyarada, haweenka iyo taageerayaasha xisbiga ee gobolka Gabiley.

Iyadoo weftiga hoggaanka Kulmiye ay safarro shaqo oo la isku xog-waraysanayey taageerayaasha xisbiga ku marayey qaar ka mid ah gobollada dalka.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay gudaha Gabiley, isla markaana ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaal iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada oo ku lebisan astaanta xisbiga KULMIYE, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar-dargelin lahaa hawlaha kala duwan ee xisbiga.

Kor na loogu qaadi lahaa isku-xidhka iyo wada-shaqaynta taageerayaasha xisbiga, iyadoo taageerayaashana lagu baraarujiyey inay u diyaar garoobaan doorashooyinka kala duwan ee dalka kusoo foolka leh.

Waxaana xafladaasi goob joog ka ahaa badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Gabiley, xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye, xubno ka mida golaha deegaanka Gabiley.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gabiley, guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga Kulmiye ee Gabiley, madax dhaqameed, siyaasiyiin, iyo boqolaal taageereyaal ah.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, oo weftiga hoggaaminaya oo madasha ka hadlay ayaa taageerayaasha xisbiga ee gobolka Gabiley uga mahad naqay sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen.

Waxaanu sheegay in xisbigu uu mar kasta ba si gaar ah ugu xisaabtamayo taageerada iyo codka bulshada reer Gabiley.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE weftiga na xubin ka ah oo isna halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee Gabiley ku bogaadiyey wada-shaqaynta iyo dhiirranaanta ay muujiyeen.

C/casiis Samaale, ayaa  tilmaamay inay Gabiley ku suntan tahay taariikhda xisbiga KULMIYE.

Badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa bogaadiyey isku-xidhnaanta taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaaladda Gabiley.

Isagoona ku booriyay inay sii xoojiyaan taageeradooda.

Geesta kale Xoghayaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, marwo Sahra Saleebaan Cawad, oo madasha kelmedo kooban ka jeedisay, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee Gabiley uga mahad celisay sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen weftiga xisbiga.

Iyadoona kula dar-daarantay inay taageeradooda sii kordhiyaan.

Sidoo kale qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka iyo waayeelka gobolka Gabiley oo halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey in dadweynaha reer Gabiley ka midaysan yihiin taageeridda xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, haatanna ay sii laban laabayaan taageeradooda.

Dhinaca kale mdaxda  xisbiga u qaabilsan gobolka Gabiley, ayaa mahadnaq iyo dhiirrigelin isugu daray taageerada KULMIYE ee maanta cududdooda muujiyey.

Waxaanay ballan qaadeen inay sii xoojinayaan isku-xidhka iyo wada-shaqaynta taageerayaasha.