Hogaanka Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Oo Ka Hadlay Askari Ka Tirsan Ciidanka Dabdemiska Oo La Sheegay In Su’aal Uu Waydiiyay Maamulkiisa Darteed Loo Eryay .!

Hargeysa – (warsoor) – Hogaanka Sare Ee Ciidanka Dab-demiska ayaa Ka Hadlay Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan oo ka tirsan Ciidanka Dabdemiska Qaranka Gaar ahaan Dufcada Labaad, balse in muddo ah Kaga Maqnaa Baxsad Ciidanka Dab-demiska, taasoo sida ay warsaxaafadeed ku soo saareen guddida qareenadu sheegeen inuu ka tirsanaa guddidaas isla markaasina aanay ahayn in la saaro maxkamadda ciidamada, sidoo kale waxay sheegeen in suaal uu waydiiyay maamulkiisa darteed shaqada looga eryay.

Hadaba ugu horayn Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan ayaa muddo laba Sanno ah 2016-2017 ka hawlgalyay Ciidanka Dab-demiska walina aan laga ruqsayn oo ka hawlgalyay Ciidanka Dabdemiska  iyadoo muddadasina uu Qaatay Laba digniinood oo uu ku mutaystay shaqo xumo iyo dayac shaqo hawl gudasho la’aan, kadib markii digniintii saddexaad uu qaadan lahaa uu ka baxsaday ciidanka isla mar ahaantiisana adeegsaday warbaahinta dhaliilo iyo eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn u soo jeediyay masuuliyiinta ciidanka Dabdemiska u saraysa iyo ciidanka dabdemiskaba, taasoo uu ku eedeeyay cadaallad darro,musuqmaasuq, qaraabo kiil iyo waxyaabo kale oo badan oo been abuur ah.

Intaa kadib ciidanka Dab-demisku isagoo sharciga maraya wuxuu dacwad ka dhanna askarigaas u gudbiyay Maxkamada sidoo kale na maxkamaddu waxay waaran qabasho ah u soo jartay askakarigaas.

Hadaba askarigaas oo baadidoon loogu jiro soo qabashadiisa isla makraasna ay ku raad joogaan laamaha amaanku ayaa horaantii sannadkan waxaa guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenada Somaliland ay ruqsad qareenimo siiyeen askarigaas magaciisa aynu kor ku soo xusnay oo  marka horeba baxsad ahaa laguna daba jiray soo qabashadiisa, ugu dambayna askarigaas waa la soo xidhay wuxuuna mari doona sharciga.

Arrinta ah waxaa lagu eryay su’aal uu waydiiyay maamulkiisa gaar ahaan barnaamijkii Qanci Dadkaaga, arrintaas waxba kama jiraan su’aasha uu waydiiyayna waxay suaal caadi ah taasoo u dhignayd “ Xuquuqda Ciidanka Dabdemiska Marka Hawlgalka ay ku jiraan xagee loo raacayaa”? taasi oo maamulka ciidanka dabdemiska sidii ugu haboonayd ugu jawaabeen, balse aanay la xidhiidhin shaqadiisa iyo suaashaas uu ciidanka waydiiyay.

Ugu dambayn waxaanu Guddida Qareenada u sheegaynaa in Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan uu ka tirsanaa ciidanka Dabdemiska ahaana eedaysane baxsad kaga maqnaa ciidanka dabdemiska, basle guddida qareenadu maaha inay u doodaan askarigan iyagoon aan waribixin hore ka hayn, inta aanay qaadan qofkana waa inay hubiyaan meesha uu ka yimi, inuu dambiile ahaa iyo inaanu dambille ahayn, iyo xogo dheeraada oo ku saabsan shaqada uu hore u soo qaban jiray qofkaasi.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.